Daawo:Axmed Madoobe oo dad Shacaba dhac ugu gaystay Kismaayo

axmed madoobe

Maamulka Ku Meel’gaarka Ah Ee Jubaland Oo Labadii Sano Ee Ay Dowladda Soomaaliya Siisey Kaga Faa’iideysanaayo Boobka Dhulalka / Hantida Shacabka Jubaland Iyo Dhulalkii Hantida Qaran .

Tan Iyo Intii Ay Dhawaan Dowladda Federaalka Ee Soomaaliya Ay Sheegtey In Ay Aqoonsatey Maamulka Jubaland Ayna U Aqoonsatey Maamulka Kumeel’gaarka Ah Ee Jubaland Ayna Siisey Muddo Labo Sano Ah
Ayaa Masuuliyiinta Maamulkaasi Waxaa Ay Bilaabeen Boobka Hantida Qaran Iyo Tan Dad’weynaha Reer Jubaland.

Waxaa Iminka Magaalada Kismaayo Ka Soconaayo Burburinta Dhulal Dhisan Iyo Qaadashada Dhulal Banaan Oo Ay Leeyihiin Dad Shacab Ah Iyadoona Maamulku Sameystey Goobo Loo Ekeysiiyey Maxkamado Heer Gobol Iyo Heer Degmo Iyo Sidoo Kale Hay’ad Uu Maamulku Sameystey Oo Uu Ku Magacaabey Hay’adda Dhulalka Jubaland Kuwaas Oo Dhamaan Sameeyo Xukuno Ay Ku Xalaashanayaan Hantida Shacabka Lagana Xukumo Loona Gacan Galiyo Dhulalkaasi Shaqsiyaad Ka Wakiil Ah Madaxda Ugu Sareyso Maamulkaasi
Sidoo Kale Waxaa Jira Dhulal Ay Lahayd Dowladdii Dhexe Ee Soomaaliya Oo Ahaa Hanti Qaran Oo Ka Dhexeeyey Shacabka Soomaaliyeed Oo Uu Maamulku Qaatey Qaar Ka Mid Ahna Uu Maamulku Ka Gatey Ganacsato Loosoo Abaabuley Qaab Qabiil ,

Inkastoo Ay Jiraan Dhulal Badan Oo Horey Loogu Tagri Faley Qaab Aan Waafaqsaneyn Sharciga Ayaa Hadana Dhulalkii Ugu Dambeeyey Oo Uu Maamulku Ka Gatey Ganacsato Waxaa Ka Mid Ah Dhulkii Weynaa Ee Loo Yaqaaney ( Inji ) Oo Uu Maamulku Ka Iibsadey Shirkadda Amal Iyo Sidoo Kale Dhulkii Warshadda Galeyda Ee Magaalada Kismaayo Oo La Siiyey Ganacsato Iyo Sidoo Kale Goobo Kale Oo Muhiim Ah ,

C/kariin Xasan Xuseen Waxaa Uu Ka Mid Yahay Shacabka Reer Juabaland Oo In Muddo Ah Ku Hoos Noolaa Caddaalad Darada Uu Maamulka Jubaland Ku Hayo Shacabka Ilaa Hadana Ku Nool Waxaana Uu Ka Mid Yahay Shacabka Sida Xoogga Ah looga Qaatey Dhulkooda Iyadoo Loosoo Marey Meelaha Maxkamad Ku Sheegga Ah Ee Uu Maamulku U Sameystey Dhaca Dadka Rayid Ka Ah Waxaana Uu Ka Warbixinayaa Sida Looga Qaatey Dhulkiisa Oo Ahaa Dhul Badan Kuna Yaaley Xaafadda Farjano Ee Magaalada Kismaayo .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.