Weerar loo adeegsaday Gaarii walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Weerarkaasi oo lala beegsaday xaruunta Guutada 12-aad ee ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo u dhow garoonka ciyaaraha Magaalada muqdisho.
Waxaa la sheegayaa in qaraxaasi uu geystay khasaro dhimasha iyo dhaawac isugu jira.
Wararka hordhaca ah ee halkaa ka soo baxaya ayaa sheegaya in 8 Qof ku dhinteen, 14 kalena ku dhaaawacmeen.
Waxaa aad u yaraaday qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho iyadooo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay fashiliyeen Qaraxyada ay soo Abaabulaan Kooxda argagixisada ah ee Shabaab.
Leave a Reply