Daawo:Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka

barlamaan

ulanka Mudanayaasha golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,waxaana ay ugu horeyn mudanayaasha golaha sii amba qaadeen ka doodista dib u-eegista miisaaniyadda doowladda ee sanadkaan 2020-ka ,iyadoo ay kulanka joogeen masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda oo uu sii hayaha wasiir ka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ugu horeeyo.

Su’aalaha inta badan xildhibaanadda ay madaxda wasaaradda maaliyadda weydiinayeen waxaa ay u badnaayeen maareynta dakhliga ku baxa mashaariicda dalka iyo sida loo maamulo iyo sidoo kale arrinta ugu weyn oo ay aheyd fatahaadda wabiga shabeelle uu geystay meelo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose oo uu xaalkeedu meel xun marayo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriydda Mudane Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in golaha looga baahanyahay in muhiimad gaar ah ay siiyaan shuruucda dalka muhiimka u ah gaar ahaan kuwa ay baahidooda taagantahay.

Ugu dambeyn mudanayaasha golaha oo cod u qaaday ku noqoshada ama dib u-eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2020-ka ayaa waxaa codka haa ku ogolaaday 143 xildhibaan sida uu natiijada ku dhawaaqay shir guddoonka kulanka.

Sidoo kale xildhibaanada golaha Shacabka ayaa maanta waxa loo qeybiyaywax ka bedelka sharci LR.75 qodobkiisa 10-aad ee mudda xileedka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.