QoorQoor oo Magacaabay Xubnaha ku matalaya Arimaha Doorashooyinka Soomaliya

qoorqoor

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye,
Markuu arkay; qodobka 50aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:-
1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel)
2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.