Dulimaadka dibada oo dib loo furay

turkey

Golaha wasiirrada JFS ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona.

Shirka ayaa lagu shaaciyay in Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa golohu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.

Dib u furidda dhammaan adeegyada ayaa golohu ku macneeyay saameynta xanuunka COVID19 oo hoos u dhacay, waxaana goloshu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan wareegga labaad ee COVID19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.