Daawo:Barlamaanka Soomaaliya oo ka dooday Hindise Sharicyeedka burcad Badeedda

barlamaan

Xildhibaanadda golaha shacaka oo kulan ay ku yeesheen xarunta ku meelgaarka ah ee Villa Hargeysa  ayaa akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharicyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaalanka Burcad badeeda iyo ka hortaga af duubka sharci LR.36 ee soo baxay sodonkii bishii April sanadkii 1975-kii,waxaana muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay golaha u faah faahiyay sii hayaha wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

“Sharicgaan waxa uu ,muuhiim u yahay dalka waana loo baahanyahay in dib-u-eegis lagu sameeyo si aan xal ugu helno baddeyna maadaama ay jiraan baraakiib si sharci daro usoo galo dalka iyo sidii aan xal ugu heli laheyn arrimaha burcad baddeeda.

Dhinaca kale mudanayaasha golaha ahacabka ayaa akhrinta 2-aad marsiiyeen ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka,waxaana xildhibaanadda golaha warbixinta guddiga u akhriyay xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda, miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee golaha shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.