Sawiro:Ra’iisulwasaare ku xigeenka oo Xariga ka jaaray Xarumo Dowladeed oo Dib u dhis lagu sameeyay

yaaqshiid

Raisulwasaare ku-xigeenka Dalka ahna kusimaha Ra’iisulwasaaraha Mudamne Mahdi Maxamed Guled qadar ayaa Maanta Xariga ka Jaray dhowr Mashaariic uu Maamulka Gobolka ka hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Xarumaha Xariga laga jaray waxaa ka mid ah Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Boostada iyo isgaarssinta ,Degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaaqshiid ,iyo wadooyin ay dowladuu dib udhis ku sameysay kuwaasi oo ay ka ah dhowr mashaariic oo ay dowladda Soomaaliya ugu talagashay xuska maalmaha Xorriyadda .

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar waxaa ku wehlinayay Guddiga todobaadka Xorriyadda oo ay ka yihiin Wasiiro ,Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliyeed ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Cumar Maxamed Maxamed Cumar (Filish) iyo Guddomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan dabaal dega Todobaadka xorriyadda u bedeshay mashaariic hormarineed oo laga fulinayo dalka iyo kuwa la dhisay sida Xarumihii lagu dhisay Barnaamijka isxilqaan iyo qaar ka mid ah hay’addaha Dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.