Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga ka jaray Garoonka Ciyaaraha Muqdisho

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, Studium,kadib markii la soo geba beeyey dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyey garoonkaasi oo uu saameeyey burburkii dalka muddo ku dhow 3o sano.

Munaasabadda furitaanka garoonak waxaa ku wehliyay madaxweynaha mas’uuliyiin isugu jira raiisul wasaare kuxigeenka dalka,wasiiro xildhibanno guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa dhanka kale wuxuu ka qeybgalay furitaanka ciyaartii ugu horeysay oo garoonkaasi lagu furay,isagoo laaday kubaddii ugu horeysay,waxaana xubnaha la socda kamid ahaa wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystaya dibn u dhiska xaruumo kala duwan oo dan guud ah,kuwaasi oo uu xariga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo loo dabaal degayo todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.