Sawiro:Xarunta Taliska Guud ee qaybta 21aad oo la dhagax dhigay

odawaa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka sareeye Guuto  Odawaa Yuusuf Raage oo ku jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanada Galmudug  ayaa Dhagax dhigey Qaybo ka mid ah Dhismaha xarunta Taliska guud ee Qaybta 21-aad oo fadhigeedu yahay Magaalada Dhuusamareeb , Taliyaha Qaybta 21-aad Generaal C/casiis C/laahi Cabdi Qooje iyo Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed Warsame ayaa ka qayb galey munaasabada dhagax dhiga Guriga Taliyaha Qaybta iyo kan Taliye Xigeenka oo ka mid ah dhismayaasha ugu muhiimsan Taliska Qaybta .

Hirgalinta qaybahan cusub ee ku Biiraya xarumaha Shaqeynaya ee Qaybta ayaa ahmiyad gaar ah u leh Taliska waxaana dib u dhiska qaybahan muhiimka ah ee Xarunta Qaybta 21-aad ka mahad Celiyay Taliyaha Qaybta  General C/casiis C/laahi “Qooje” .

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin C/raxmaan Geeda-qorow ayaa Balanqaaday ka Maamul ahaan in ay gacan ku siin doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Dhismaha Xarumahan waxa uuna Digniin u diray Dadka isku daya in ay dagaan Xarumaha Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay Muhiimada Xeryaha Ciidamada Xoogga ee ku yaala Magaalada Dhuusamareeb ayaa Balanqaaday in Dhismaha Xarumahan Cusub uu bilaaw u noqonayo In dib loo wada dhiso Guud ahaan Xeryaha Kale .

Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhusamareb oo horay dayactir iyo dib u dhis loogu sameeyey ayaa kadib dhismaha Guriyahan Cusub u gudbi doonta dib usoo celinta Xeryaha kale ee burbursan iyo kuwa ku jira gacmaha aan aheyn Kuwa Xoogga waxaana dhagax dhigan kadib taliyaha Xoogga uu kormeeray Qaar ka mid ah Xeryaha kale sida Xerada Gaadiidka Ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.