Allaha unaxariistee Allaha unaxariistee Cabdi Tahaliil oo Muqdisho ku geeriyooday

Cabditahaliil

Allah ha naxatiistee waxaa xalay Magaalada muqdisho ku geeriyooday Fanaankii weynaa Cabdi Tahliil Warsame oo muddo ku dhaw 18 sano ku xanuunsanahay Muqdisho.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari.

Kooxihii kale ee uu  Cabdi Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaasi.

Allah ha unaxariistee waxa uu waxbarshada dugsiga sare ku qaatay ku bar baaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan hase ahaatee markii dambe waxa uu usoo wareegay Magaalada Muqdisho ee degeenaa ilaa maanta.

Waxaa uu ka tagay caruurta iyo waxa ay sii dhaleen 42 ruux .

Sidoo kale fanaan kaliya ma aheen ee waxaa soo noqday xisaabiyaha ee Gobolka Bari  waxaa uuna kasoo shaqeeyaan deegaanada qandalo,qardho iyo Magaalada Ganacsiga ee Boosaaso.

Allaha ha unaxariistee  guud ahaan fanaaniinta Soomaaliyeed meel wabo oo ay dalka ka joogaan ayaa ka tacsiyadeeyay geersida ku timid waxaana ay alle uga baryeen inuu janadiisa fardowso ka waraabiyo samir iyo iimaane uu ka siiyo dhammaan qoyskii ,qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.