Sawiro:Wasiiro kasocda Galmudug oo gaaray Balanbale

balanbale

iyadoo ay maalmihii la soo dhaafay degmada Balanballe ka jireen cabsi laga qabay xanuunka dunida halakeyey ee Coroona virus, ayna jireed dad badan oo xuunkan looga shakisanyahay in uu heleelay oo la karantiilay ayaa waxaa saaka magaalada soo garay wafti balaaran oo ka socda dawlad Goboleedka Galmudug oo isugu jira wasiiro xildhibaano iyo dhakhaatir ka socota dawladda federalka somalia waxaana waftiga hogaaminayay wasiiru dawlaha wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Axmed Mire Faafale iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Abdirzaak xujo.

Ujeedada safarkan ayaa ahaa u kuurgalidda xaaladda caafimad ee ka jirta degmada waxayna xildhibaanada iyob wasiiradu si guuud u kor meereen ispitaalada magalada waxayna warbixino ka dhagaysteen maamulayaasha iyo dhakhaatiirta ka hawl gasha ispitaaada, waxayna ayagu dhankooda baaq u direen dawladda federaalka waxayna ka codsadeen si Deg-Deg ah Balanballe loola soo gaaro adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Wariye Bulshaawi Jeyte Cali.

balanbale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.