Wasiiro ka tirsan Soomaliland oo CoronaVirus ku dhacay

muuse

Laba ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ayaa laga helay Xanuunka dilaaga ah ee Cor9nevirus.

Labada Wasiir ee Xanuunka laga helay waxa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland, Maxamed Axmed Cawed oo Xalay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Xanuunka laga helay, balse Xaaladdiisa Caafimaad wanaagsan tahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay ka dib la xaqiijiyey inuu qabo Xanuunka Covid_19, laakiin Xilligan uu Caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Sidoo kale, sida laga soo xigtay Ilo-wareedyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ah, waxa jira Wasiir labaad oo laga helay xanuunka, kaasi oo aan illaa hadda Magaciisa la shaacin.

Xanuunka Covid_19 ayaa Somaliland ku faafaya, waxaanu dilay Dad gaadhaya 22 Qof, halka laga helay 332 Ruux, waxaana ka soo kabtay 43 Qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.