Caabudwaaq oo CoronaVirus ka dilaacay iyo qalab La’aan kajirta

coronavirus

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dilaacay Cudurka Dilaaga ah ee CoronaVirus kaas oo sababay dad badan oo kamida bulshada Caabudwaaq inay udhinteen qaarna la jiifaan.

24-kii saac ee la soo dhaafay Degmada Caabudwaaq ugu dhintay Caabuqa Covid 19 Labo Ruux oo kala ah rag iyo dumar.

Dhaqaatiirta Degmada Caabudwaaq ayaa xaqiijisay in dadka dhintay ay lahayaeen dhamaan Calaamadaha Xanuunka Covid-19 waxaana ay sheegeen in aanay helin wali qalab lagu xaqiijiyo xanuunka sidoo kale aysan haysan Qalabka Oxygen-ka si loogu caawiyo dadka naqaska uu ku xirmay.

Dadka ugu dhintay Xanuunka Covid19 Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ku dhaqay naqaska kadib markiii ay waayeen Qalabka neefsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.