QoorQoor oo shaaciyey inay hubka ka aruurinaayaan Magaaloyinka Galmudug

qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan uu ku bixin doono sidii Maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay doonayaan in ay mideeyaan Awoodda maamulka Galmudug, islamarkaana Maleeshiyaad beeleedyadda loo badali doono Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska maamulka Galmudug.

“Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Dhinaca kalana waxa uu shaaca ka qaaday in qorshahaan hubka dhigista uu sii soconayo,si galmudug nabadeedu u xoogeysato.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay Maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen isaga oo shaaciyay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.