Degmada Baladxaawo oo CoronaVirus ka dilaacay iyo Dowlada oo Baaq loo diray

coronavirus

Wararka ka imaanaya Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inuu Cudurka dilaaga ah ee Covi19 ay dad ugu dhinteen gudaha Baladxaawo qaarna guryaha la jiifaan.

Dhaqaatiirta ka hawgala Degmada Baladxaaeo ayaa sheegay inay arkeen dad laga helay Calaamada Coronaha kuwaas oo aan helin adeeg caafimaad ee ay u baahnaayeen madaama Magaalaa Baladxaawo wax qalaba ama agab caafimaada aysan haysan.

Dhaqaatiirta iyo Bulshada Baladxaawo ayaa dowlada Soomaliya uga baaqay in gurmad caafimaad lala soo gaaro Baladxaawo.

Degmada Baladxaawo ayaa xuduud la leh Dalka Kenya iyo Itoobiya waxaana dhawaan dad badan oo qaba CoronVirus laga helay Magaalada Mandera ee Dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.