Ciidamadda Dowladda oo Dilay 20 Ka Tirsanaa Argagixisada Shabaab

dagaal

Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulooyinka Buulo-urunji iyo busleey oo hoosyimaada degaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen 18 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee tuulooyinkaasi.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka uu yimid  kadib markii dadka degaanka ay lasoo wadaageen xogta maleeshiyaadka dhuumaaleeysanayay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 18 kamid ah argagixisada, islmarkaasna laga gubay doomo ay isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Jannaale iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.