Gololeey: Dowlada oo cambaareysay falkii lagu laayey Dadka shacabka

mayd

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay tuulada Gololey oo hoostagta Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo lagu laayay 8 qof oo rayid ah.

Ficillada noocaan oo kala ah ee lagu xasuuqayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan waa kuwii ay ku caan baxeen kooxaha argagixisada ah ee cadowga ku ah nolosha iyo daganaanshha Ummadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo sidoo kale ka shaqeeya iska hor keenista qeybaha kala duwan ee bulshada si ay colaad uga dhex abuuraan.

Dowladda Soomaaliya waxay xanuunka la qeybsaneynsaa oo ay tacsi u direysaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen, waxayna marxuumiinta Alle uga baryaysaa in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Dowladdu waxay amartay in baaris dag dag ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo oo cadaaladda la horkeeno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.