Karash oo qiray Faceboog in laga xiray iyo Deni oo ka dambeeyey

karaash

Warar lagu kalsoon yahay oo ka imaanaya masuuliyiin ku dhow Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inuu Deni dacwad ka gudbiyey Facebooga Cusub ee sameystay Madaxwayne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash.

Madaxwayne kuxigeenka Puntland Karaash ayaa BBC u xaqiijiyay in barta cusub ee uu facebook ku lahaa hawada laga saaray.

Waxaa uu sheegay in inta ogaalkiisa ah uu wali barta uu facbook ku leeyahay ay hawada ka maqantahay islamarkana ay baaritaano wadaan.

”Waa ka maqan yahya ayaa la igu yiri howshii ayaan baaraynaa, hawada in uu ka maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa sababta uu uga maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa markaan ogaano ayaan ka jawaabaynaa,” ayuu yiri Mr Karaash.

Madaxwayna ku xigeenka Puntland ayaa dhawaan sameysay cinwaankan cusub ee facebook ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.