Hawgal Qorshayn oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

dagaal

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday fariisin ay maleeshiyada  Al-Shabaab  ku leeyihiin inta u dhexeysa degmooyinka Buula burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Xassan Ibraahim taliyaha guutada 22’aad ee qaybta 27’aad  oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in weerarka ay ku dileen xubno ka tirsan maleeyshiyada Al-Shabaab, islamarkaana ay bartilmaameedsadeen saldhigyadooda.

Taliyaha ayaa sheegay in 7 xubnood ay weerarka ku dileen, islamarkaana ay ka qabsadeen gaadiid iyo hub ay ka carareen maleeshiyada argagixsada ah Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.