Sawiro:Marko oo laga dhagax dhigayXarunta gobolka Shabeellaha Hoose

marka

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka koofur galbeed Soomaaliya  Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ,waxaana isaga iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka shabeelaha hoose iyo kan degmada Marko.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Abuukar Cabdi ayaa warbixin ka dhageystay maamulka gobolka xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada,sida dhinacyada Amniga, Caafimaadka iyo waxbarshada.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Marko laga dhagax dhigay xarunta uu ku shaqeyn doono Maamulka gobolka shabeellah Hoose taasi oo in muddo ah laga soo shaqeynayay in heerkaan dhagax dhiga ay soo gaarto, waxaana sidoo kale qeyb-ka ahaa Senotar Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha aqalka sare lagana soo doortay gobolka shabeella hoose.

Xaruntaan waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay guddoomiyaha Degmada Marka Cabdulaahi Cali Maxamed Waafoow, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax , Senotar Xuseen Cali Xaaji iyo Wasiirka arrimaha gudaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi.

Dhismaha xaruntaan uu ku shaqeyn doono maamulka gobolka shabeellaha hoos ee magaalada marko ayaa noqoneyso mid loogu talagalay in lagu fududeeyo adeegyada bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.