Dad Cadaado ugu dhintay Covid19 iyo Oxygen la’aan kajirta

coronavirus

Isbitaalka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta ku geeriyooday Afar Qof oo loo malaynayo inay qabeen Cudurka Dilaaga ah ee CoronaVirus.

Maamulka isbitaalka Cadaado ayaa sheegay in ku dhawaad 10 ruux oo looga shakisan yahay xanuunka Coronavirus Cadaado ugu geeriyoodeen Sadexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Dhibaatada ugu xoogan ee ka jirta isbitaalka Cadaado ayaa ah baahida qalabka dadka ka caawiyo neefsiga ama Oxygen, Isbitaalada Cadaado kama ma yaalaan qalabka lagu tacaalo Covid19 .

Dhanka Kale Gudoomiyaha Degmada Cadaado ayaa Amar ku Bixiyay in la Xiro Maqaayadaha, Masaajida iyo Goobaha la iskugu yimaado Waxaana Sidoo kale La Mamnuucay imaatinka Qaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.