Dhageysiga Dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo dhigay

icj

War maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.

Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.

15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay.

Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, codsi ka yimid Kenya dartiis, hase ahaatee markan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista.

Dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga biyo diidsaneyd dib u dhigista dacwadda ayaa hadda sheegtay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan dowladda Federaalka oo goor dhaweyd ay la xiriirtay BBC-da ayaa yiri: “Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go’aanka maxkamadda.

Jadwalka cusub ee dacwadda

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.