Dowladda Iyo Saaxiibbada Caalamka Oo Shir Heerkiisu Sarreeyo Ka Yeeshay Arrimaha Soomaaliya

khayre

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.