Maamulka gobolka Banaadir ayaa Habaynimo booqday Degmada Warta Nabada

banadir

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Md. Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Md. Cumar Cali Cabdi oo ay wehliyeen Maamulka Degmada Warta Nabadda iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ay Caawa kormeer ku tageen Wadada dheer ee xiriirisa Xarunta Degmada Warta Nabadda iyo Isgoyska Geed Jaceyl, iyadoo laga jawaabayo cabasho maanta ka timid shacabka ku dhaqan Degmada Warta Nabadda.

Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa dhageystay talooyinka iyo cabashada shacabka ku dhaqan Degmada Warta Nabadda iyagoona balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu si deg deg ah ugu jawaabi doonno cabashada ka timid shacabka.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Md. Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qorshaha ugu jiro sidii dib u dhis balaaran loogu sameen lahaa wadadaasi laamiga ah, balse inta ka horeysa ay Maamulka Gobolka ka shaqeyn doonaan sidii bulshada loogu sahli lahaa isu socodka iyo adeegsiga Wadadaasi.

banadir
banadir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.