Sawiro:Madaxwaynaha Galmudug oo gaaray Huurshe

Qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Deegaanka Huurshe ee Gobalka Galgaduud waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalkan oo ahaa midkii ugu horeeyey ee madaxweynahu ku tago meel caasimadda ka baxsan ayaa ujeedkiisu tahay dhameytirka Dhab u heshiisiinta walaaha Huurshe iyo Xiraale.

Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku wehlinaya Guddoonmiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Barlamaanka, Ra,iisul wasaare ku xigeenkii hore iyo xubno ka tirsan golayaasha DGGM.

Madaxweynaha inta uu joogo deegaanka Huurshe waxa uu kulammo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa tan iyo markii la doortay ku howlanaa arrimaha dib u heshiisiinta isaga oo ka dhabeynaya balanqaadkiisii ahaa inuu hortebinta koobaad siinayo dib u heshiisiinta.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.