Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo cambareeyey Ilmo kufsi loo gaystay

mareeye

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa cambaayeeyay kufsi arxan darra ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Wasiir Maareeye ayaa ficilkaasi ku tilmaamay in uu geystay Qof wax magarad ah oo aan damiir Soomaaliyeed lahayn.

“Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay Degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed.

Ugudanbeyntii Wasiirka Warfaafinta ayaa Carrabka ku adkeeyay inay Dowladda ay ku raad-joogto Dadkii ka dambeeyay ficilkaas foosha xun ee lagu kufsaday Laba gabdhood oo walaala ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.