Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddda Norway Oo Ka Hadlay Xakameynta COVID-19

khayre

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Soreide oo maanta yeeshay kulanka dhanka internet-ka ah (video conference), ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dowladood, dadaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jahuuriyadda oo dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka Barta Go’aanka (decision Point), ayaa caddeeyay in dowladdu sii wadeyso dadaallada deyn nadiifinta inta laga gaarayo Barta dhammaadka (completion point).

Ine Eriksen Soreide oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu habmalyeysay guusha uga soo hoyatay dadaalladii deyn cafinta ayaa ballan qaaday in dowladda Norway ay sii wadeyso garab istaagga dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Norway ayaa qayb ka ah waddamada dowladda Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.