Safiirka Uk oo kulan la qaatay Guddiga Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka

safiir

Guddiga wadajirka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa kulan is xogwareysi ah oo ku saabsan dhammeystirka xeerarka doorashooyinka la qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya mudane Ben Fender.

Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow waxa ayna safiirka uga mahadceliyeen sida dowladda Ingiriiska ay u garab taagantahay Soomaaliya.

Safiirka dowladda Ingiriiska mudane Ben Fender ayaa guddiga ku amaanay la tashida iyo dardar gelinta shaqada loo igmaday, isagoo sheegay in boqortooyada Ingiriisku la garab taagantahay wixi taageero ah oo looga baahdo.

Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.