Qaar kamida Maamul Goboleedyada oo gar gaar Caafimaad la gaarsiiyey

Daawo

Wasaaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowladda soomaaliya  ayaa maanta qalab loogu talo galay ka hortaga cudurka Corona udirtay maamul goboleedada Galmudug iyo Hirshabeelle

Deeqdaan ayaa dawladda Soomaaliaya waxay kasoo gaartay Jack Ma Foundation.

Qalabakan ay maanta Wasaaradda Caafimaadku u dirtay ayaa ah qoondadi maamul Goboleedyada kuwaasi oo loogu talo galay ka hortaga cudurka karoona oo saameyn ku yeeshay caalamka.

qalabkaan loo diray labadaan maamulka Waxa  la wada geeyay dhamaan maamul goboleedyada dalka ka dib hishiis ay si wadajir ay wada-gaareen Wasaaradda caafimaadka dwoladda soomaaliya iyo wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedyada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hore uga wariisay sidaan oo kale qalab caafimaad oo ku aadan ka hortaga cudurka covid-19  koofur-galbeed, jubbaland iyo gobolka banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.