Dowladda Soomaaliya oo go’aamisay in la xiro dugsi Quraanka

Wasiir

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa go”aamiyay in la xiro goobaha barashada Diinta,dugsiyada iyo Mowlacyada,islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan,si looga taxadaro faafitaanka Covid-19.

Sida aad lawada socotaan waxaa Dunida halis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Covid19) oo si xowli ah maalinba ugu faafaya waddamo cusub.

Sidaas datreed, waxaa ay wasaaradda soo saartay :

” Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,”

Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta waxay mas’uuliyad ka saaran tahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta badqabka & caafimaadka bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.