Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu baaqayaa in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay mideeyaan cududdooda iyo awooddooda, una istaagaan sidii ay dalkooda uga samata-bixin lahaayeen duruufaha caafimaad ee caabuqa Coronavirus uu dhaxal siiyey dalal badan oo caalamka ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si weyn uga murugoodeen dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ugu geeriyooday cudurkan, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyey dadka kale ee bukaanka ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ducada ugu xusay Raiisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka mid ah dadkeenna la xanuunsan caabuqan.

“Dadka Soomaaliyeed -gudaha iyo dibaddaba- waxaan ugu baaqayaa in ay u hoggaansamaan awaamiirta iyo talooyinka caafimaad ee lagu xaqiijinayo badqabkooda.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in ilaa hadda dalkeenna la xaqiijiyey saddex qof oo uu ku dhacay cudurkan, waxa uuna ugu baaqay shacabka in la joogteeyo ilaalinta fayo-dhowrka oo ay ugu muhiimsan yihiin dhiqidda gacmaha, yareynta kulan wadareedyada iyo fulinta guud ahaan talooyinka caafimaad ee ka hortagga ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey dadka Soomaaliyeed in ay joogaan guryahooda, xil weyna ay iska saaraan badqabka naftooda iyo bulshadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.