QM oo Soomaaliya ugu hambalyeeysay guusha ay ka gaartay deyn Cafinta

james

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaartay geedi socodka deyn cafinta, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ergeyga.

Soomaaliya ayaa barta go’aan qaadashada ka gaartay Hindisaha Dalalka Saboolka ee aadka u deemoobay ee loo yaqaano Highly Indebted Poor Countries Initiative.

“Waa guul taariikhi ah oo dalka u qaaday dhanka Nabadda iyo Barwaaqo”

“Xaqiijinta barta go’aan qaadashada waa talaabo Soomaaliya u qaatay dhanka horumarinta dhaqaalaha, isla markaana dalka u ogolaanaysa in uu sameeyo kobac dhaqaale oo loo dhan yahay kaas oo yareyn doono heerka saboolnimada dalka. Dhammaan dadka Soomaaliyeed ayaa guushan ku faani kara,” ayuu yiri James Swan.

Waxaa uu intaas ku daray, in xaqiijinta barta g’aan qaadashada hey’adaha maaliyadda adduunka ay ku timid markii madaxda dowladda Soomaaliya la yimaadeen isbedel dhab ah oo ay ku sameeyeen hanaanka maaliyadda wadanka.

“Tani ayaa sidoo kale, ka tarjumeysa wada shaqeynta xoogan oo ay wada leeyihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, marka la sameeyay hanan iskaashi tan ayaa ka dhalatay iyo guulo kale.”

Hye’adda IMF iyo Bankiga adduunka ayaa Barnaamijka loo yaqaano Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee deemeysan aas aasay 1996 kaas oo loogu talagalay in dalalka faqriga ah oo deynta la degtay lagu dhiso awoodooda maamul isla markaana lagu caawiyo.

In Soomaaliya gaarto barta go’aan qaadashada waxaa ay ka dhigan tahay in dalka deynta laga khafiifyo isla markaana xiriir wada shaqeyneyd la yeesho hey’adaha maaliyadda dunida.

Soomaaliya hadda waxaa ay heli doontaa dhaqaale lagu maalgelinayo dowladda ayna ku sameyn karto horumarka loo baahan yahay, sidoo kalena fursad ka heli karaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.