Labada Xisbi Himilo qaran iyo UPD oo ay kala hoggaamiyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa waxaa iska Casilay Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya kuwaas oo Xubin ka ahaa labada Xisbi.
Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa barahooda Facebookga ku daabacay warqado ay ku cadaynayaan in ay iska Casileen Xisbiyada UPD iyo Himilo qaran
Xildhibaanada is Casilay Maanta ayaa ah Senator Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac iyo Senator Cabdirisaaq Axmed Cali waxaana horay isu casilay Cabdifitaax Ismaaciil Daahir iyo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo iyaguna ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xildhibaanadaan ayaa is casilaadooda ku sheegay inaysan la shaqeyn Karin labadaan Xisbi ee kala Hogaamiyaan Xasan Shiiq iyo Shiiq Shariif.
Leave a Reply