Daawo:Shirka IGAD oo Khartuum lagu soo gaba-gabeeyay

wasiir cawad

Magalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir ay soo abaabuleen  Urur Gobolleed-ka IGAD iyo midowga Yurub, kaasi oo ay ka qayb-galeen Wasiirada arrimaha dibadda ee xubinta ka ah Ururaasi.

Shirkani waxaa Soomaalia ku Metelayay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Safiirka JFS Soomaaliya ee dalka Sudan Amb. Maxamed Sheikh Isxaaq, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaradaasi Danjire Maxamed Cali Nuur, iyo Diplomaasiyiin ka tirsan Safarada.

Shirkan ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin, Qorshaha 100 maalmood iyo dib u habeynta Urur Gobolledka IGAD, nabadgelyada iyo Amniga Gobolka, Iskaashiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ,Iskaashiga Cimilada iyo muhaajiriinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.