Daawo:Gudoomiyaha Barlamanaka Soomaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

mursal

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gaaray Caasimadda Dalka Aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka diyaaradaha Ee dalka Jabuuti kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti waxa uuna ka qeyb geli doonaa furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.