Daawo:Deni oo Sharaftii Soomaliyeed Meel uga Dhacay

deni

Hogaamiyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Nairobi kaga qayb galay xaflad lagu soo dhoweynaayey isaga iyo weftigiisa, waxaana soo agaasimey Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane.

Waxaana ka qayb galay Madaxweynaha is doortay Axmed Madoobe, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Hogaamiye deni ayaa Xafladaas ka sheegay Inay Kenya tahay meesha Kaliye ee Laga bad baadin karo Qaranimada Soomaliyeed lamana garan karo waxa hadlakaas ku kalifay Deni isagoo og Kenya inay dhibaato badan u gaystay Dalka Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.