Balanbale:Agaasime Rubaan Cali ayaa booqday Goobaha Waxbarashada iyo Caafimaadka degmadaas

Rubaan

Agaasime Rubaan Cali Faarax wada booqdey, badankood goobaha waxbarashada iyo caafimaadka degmada “balan-balle” sida isbititaalka guud ee degmada, dugsiga sare ee degmada, dugsiga hoose dhexe ee degmada, iyo maktabadda guud ee degmada oo aan dhamantood hawl-wadeennada warbixinno la xiriira halka lagayimi iyo hiigsiga halka uu daarranyahay ka dhageystay, duruufihii ay soomareen welina qaarkood la falgelayaan ayaan iyagune wadaagnnay.

Waxaan arkay horumar bulsho, isdhexgal dad, weyneyn aqoon, nabad-gelyo wayn oo 100% ah, iyo waddaniyad dad jacayl iyo dowlad jacayl, oo aad waddooyinka magaalada ku arkeysid boorar ay ku xardhanyihiin, hal-beegyo ka turjumayo dhisidda gola deegaan oo ay degmada yeelata iyo sida loogu hamuun qabo.

Kusoodhawoow degmadii difaaca dalka ee balan-balle, ayaa ku xardhan afaafka magaalada laga soo galo, gudaha waxaad ku arkeysaa meelaha isgoysyada ah iyo goobaha ay bulshada ku kulanto sawirrada madaxada qaranka, muuqaalla ka turjumayo ka maqsuud ahaanshiyaha dhisidda “galmudug” sugi-waaga, yagleelidda golaha deegaanka degmada, iyo qaar ay ku xardhanyihiin, muwadin lashaqee dowladdaada maamulkaaga, noqona ilaaliyaha amaanka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Fasallada dugsiga sare waxaan ku arkay wiilal iyo gabdha ay da’doodu ka yartahay, “13” sano, oo dhiganayo qaybaha dugsiga sare, ciyaal lixaadka qaar la’ ayaan ku arkay qaar kamid ah fasallada iskuulka hoose dhexe ee degmada, waxaa kamid ahaa wiil “14” jir ahaa oo dhiganayey fasalka 8-aad oo bidixda wax ku qorayey midigtuna la’ waxay maamulka iisheegen inuu natiijooyinka imtixaanaadka wiilkaasi kaalimaha hore ka gala.

Hoteella casri ah ayaa ka jira magaalada, garoomma waawayn oo kubadda lagu cayaara ayey leedahay naadiya cayaartooy oo magacya leh ayaa jira, urur haween oo leh xafiisyo ay ku shaqeeyaan lehna hooyga hooyooyinka degmada ayaa dhisan, ururka dhalinyarada degmada, ururka ardeyda degmada, iyo ururra kale oo rayid ah oo badan ayaa ka dhisan magaalada, waxaana xusid mudan in ay dhamaantood si wayn uga qayb qaatan bilicda magaalada wax waynna ku soo kordhiyeen iyadoo cid taageertay aynay jirin.

Waan sii wadan doonaa lakulanka dadka deegaanka iyo ukuur-gelidda dhabta degmada balan-balle, maqaalna laguma koobi karo e, waxaan xaqiiqda aan arkay idiin marsiin doonnaa warfidiyeennada haddii uu eebbe idimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.