Dhageyso:Wasiirka warfaafinta oo hambalyo u diray Bahda warbaahinta Soomaaliya

mareeye

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay warbaahinta Soomaaliyeed xuska 21-ka Janaayo oo ku beegan maalintii ugu horeysay oo wargeys ku qoran afka Soomaaliga (Xidigta Octoober )uu dalka ka soo baxay.

Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Soomaaliyeed ku ammaanay doorka muhiimka ay ka qaateen kobcinta Afka Soomaaliya, Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Warbaahintu Bulshada u tahay macalin.

Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, ayey ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya afka Soomaaliga, iyadoo maaalintaas loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.

sanadkii 1972dii ayaa lagu dhawaaqay go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaalo  qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo,waxana xigay sanadkii 1973-dii dhaqangalinta qorista farta Soomaalga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.