Odayaal iyo Siyaasiin dhaliilay Deni oo Maxkamad la horkeenay

30 Cisho kadib waxaa Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Bari maanta la horgeeyay 5 qof oo isugu jira odayaal dhaqameed iyo siyaasiin kasoo jeeda Gobolka Bari kadib eedeyn ay usoo jeediyeen Hogaan Xumada Madaxwaynaha Puntland,waxayna si cad uga horjeestay heshiisadii fashilmay ee lala galay Imaaraadka.

Xeer Ilaalinta Maamulka Puntland ayaa ku eedeysay dabiga ah Kicin Dadwayne oo macne heeda yahay iska horkeenid Maamulka Deni iyo shacabwaynaha Puntland.

Maxkamada Gobolka Bari ayaa dhageysatay Xeer Ilaalinta maamulka Puntland waxayna Axada soo socota u mudeysay Dhageysiga Dacwadaan.

Deni ayaa horey u xiray Odayaal, Siyaasiin, Culumo kasoo horjeestay aragtidiisa siyaasadeed mudadii sannadka ahayd ee uu xaafiiska joogay, waxaana gabaabsi galay xoriyadda hadalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.