Xildhibaanada Labada Aqal oo go’aan ka gaaraya Miisaaniyada 2020

barlamaan

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa inay wadajir u ansixiyaan Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

Ansixinta miisaaniyaddaan ayaa ku soo beegmaysa maanta oo ah maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka  2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Xildhibaannada labada ayaa maalmihii la soo dhaafay su’aalo ka weydiinayay miisaaniyadda Wasiirka Maaliyadda, waxaana su’aalaha ay u badnaayeen sida loo isticmaalayo iyo qarashaadka loo qoondeeyay hay’adaha dowladda, iyadoo ay xusid mudan tahay in mushaarka ciidamada la kordhiyay, lana gaarsiiyay illaa $200 bil walba.

Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo horay ay Miisaaniyadda u ansixin jireen Golaha Shacabka oo kaliya

Miisaaniyadda sanakda 2020 ayaa gaaraysa $459.5 Milyan,waxayna ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha dibadda ka imaanaya ee lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.