Ciidanka Danab oo cagta mariyey kooxda Alshabaab todoba Tuulana ka xoreeyay

Danab

Guutada 16aad ee kumaandoosta Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa maanta gobalka shabeellaha Hoose ka fuliyay Howl-gal ballaaran oo qorshihiisu ahaa in argagaxisada looga xoreeyo deegaannada ay shacabka ku dhibaateeyaan.

Ciidanka kamaandoosta ayaa si buuxda argagaxisada uga xoreeyay Tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.

Taliyaha Guutada 16aad ee Danab Cismaan Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in 20 kamid ah kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka shacabka looga dul qaadayo nabad diidka.

Taliye Ismaaciil ayaa caddeeyay inay sii wadayaaln howl-gallada inta nabadiidka laga saarayo dhammaan deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.