Qaraxii Muqdisho iyo Isbahaysiga Mucaraadka Ma la dhihi Karaa Xirir baa ka dhaxeeya

28/12/2019 waxay ahayd maalin madoow oo murugo iyo naxdin leh,wax aad iyo aad looga naxo baa ku soo dhacay dhegaha dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba meel kasta ha joogeene, xanuunkaas aan la qiyaasi Karin baan la qaybsanayaa shacbigayaga tacsi baan u dirayaa qoysaskii, xigtadii iyo saaxiibayaashii dadkii aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay barta barista Muqdishow/Afgooye inta dhimatay Alle waxaan uga baryayaa jana fardoowsa inta ku dhaawacantay Alloow u boogadhay oo caafimaad deg deg ah sii qoysaskii qarabadii,s aaxiibadii iyo ummadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Alle ha siiyo,shacbiga Soomaaliyeedna waxaan dhamaan ka codsanayaa in ay u duceeyaan walaalaheen ee masiibadu ku habsaay.

Waxay ahayd maalin murugo mayd, dhaawac iyo dhiigbax la soo deristay ummadda Soomaaliyeed waxay ahayd maalin cadawgayagu naga ilhelay khasaare aan yarayna noo geystay, miyey haboonayd in olale mansab iyo kursi doon siyaasadeed laga raadiyo halkaas Sow uma eka noo sameeya dhibaatada intaas le’eg annagana shacbiga aan kicino si dhibaatada Soomaalidu u sii badato oo loo baabi’iyo dawladnimada koreysa oo dhibaatada badan laga soo maray.

Bal hadde hoos ka dhegeysta siddii mucaaradku uga falceliyey masiibadii ku dhacday ummadda Sooamaaliyeed 28/12/2019.


Waxaa iiga soo baxay  anniga shaqsi ahaan in ay hadalada mucaradka iyo weerarka argagixisadu wax ka dhexeeyeen in kasta oo maluhu yahay denbi,waxaana is weydiiyey arimahaan;-

1-Ka soo noqoshada Gudoomiyaha isbahaysiga Imaraadka oo lagu soo karkarinaayey dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed iyo falka argagixiso maxaa kulmiyey Sow uma eka (DIBIGA INA NAASA ADAG IYO LABADA WEER MAXAA KULMIYEY)?

2-Anagu waxaan ognahay in ciidamadii Soomaaliya ee shaqaynaayey saddex sano ka hor la tirakoobay lana diwaangeliyey xuquuqdoodana helaan bil kasta kuwa la kala diray xaggee ka dhacday?

3-Waxay dhaliil ka dhigayaan wadooyinka xiran,taas micnaheedu sow maaha in ay jeclaan  la haayeen in maalin kasta waxaas iyo wax ka badan dhacaan?

4-Waxa la xasuuqayaa waa shacbiga Soomaaliyeed,haddii mucaaradku bananaanbax u  soo abaabulo,oo nabada aan cagaha ku taagneyn faraha ka baxdo ma balanqaad bay isbahaysigu ka haystaan argagixisada in ayyan shacbiga jidadka soo buuxinaaya waxyeelin?

Ugu denbayn Shacbigayaga waxaan leeyahay waayo aragnimo noogu filan in aan amaankayaga iyo dhaqaalahayaga aan gacmahayaga ku burburino,sodon sano ka hor dib u milicsada waxaan falney oo aan gacmahayaga ku fuliney,in kasta oo shisheeye iyo daneyste fikirka lahaayeen yaanaan noqon(DOQONTII GODKA LABADA JEER LAGA QANIINEY).!!!

Wabilaahi towfiiq,

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.