Aqalka sare oo ka doodaya xeerka Saxaafadda Soomaaliya

aqalka sare

Waxaa furmay kalfadhigii 6-aad kulankiisa 23-aad ee golaha aqalka sare BFS, Ajandaha kulanka ayaana ah aqrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka xeerka Saxaafada Soomaaliyeed.

Fadhigga waxaa ku sugan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq, Agaasimaha guud Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda warfaafinta Dowladda Soomaaliya.

kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha aqalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdulaahi.

Senataradda ayaa qodobada qaar ka hadlaya iyadoo gudoomiye Abshir Bukhaari uu soo gudbiyay in qodobada qaar wax lagu daro waxna laga dhimo kulan ayaa hada toos u socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.