Madaxwayne Mustafa Cagjar oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhalatay qaraxii ka dhacay Muqdisho

cagjar

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethopia Md.Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa tacsi tiiraanyo leh, u diray shacabka iyo xukuumada soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii Shacbaka ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxwaynaha D.D.S ee Ethopia ayaa cambaareeyay qaraxaas oo dhibaato baaxad leh ka soo gaartay dad rayid oo aan waxba galabsan.

Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar wuxuu Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi in uu Janadiisa fardawsa ka waraabiyo inta dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Qaraxaasi oo ay soo maleegeen arxan laawayaal bannaystay dhiigga shacbiga, wuxuu gaystay dhibaato baaxad leh oo isugu jirta dhimasho, dhaawac  iyo burbur hantiyeed,waxaana haddii Alle idmo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo aan dalka wax looga qaban Karin loo qaadi doonaa dalka Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.