Sawiro:Guddoomiyaha GobolkaBanaadir oo tegay goobtii uu ka dhacay qaraxii saaka

Cumar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa saakay ka qeyb qqatay u gurmashada dadkii masaakiinta ahaa ee ay argagixisadu ku xasuuqeen Ex-control Afgooye.

Gudoomiyaha Gobolka oo ay wehliyaan ku-xigeennadiisa iyo laamaha ammaanka oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa gaari kuwa xamuulka qaada, kaasi oo geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in 90 meeyo qof ay ku dhaawacmeen, tira kale oo badana ay ku dhinteen.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in Bas ay saarnaayeen Arday dhigata Jaamacadda Banaadir uu soo gaaray qasaaraha ugu badan ee dhimashada.

dhimashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.