Dowlada Soomaaliya oo dar dargelineysa dhismaha Galmudug loo dhanyahay

Sabriye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dar dargelineysa dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan.

Wasiirka ayaa xusay in heshiiska lala galay Ahlusunna Waljamaca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka.

“In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii ku guuleysatay inay heshiis la gasho culimada Ahlusunna Waljamaaca, kaasi oo ay soo dhaweeyeen Madaxda dowladda, qeybaha bulshada iyo beesha caalamka intuba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.