Wabiga Shabeele oo deegano horleh ku fatahay

wabi

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta degmada, isagoo intaa ku daray in webiga uu ku soo fatahayo xaafado horleh oo ka tirsan magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in kan maamul ahaan ay wadaan dadaallo loogu gurmanayo qoysaska uu barakiciyay fatahaadda, ayna jiraan xaafado horleh oo haatan laga barakacayo.

“Degmada Fatahaad baahsan weligeed aan la arkin horeyna aan u soo marin ayaa ka dhacday, guryihii dadka biyo ayaa ka galay qoysaskuna wey ka barakaceen, saaka xaafado horleh ayay ku sii siqayaan, iyadoo horey uu biyaha u saameeyay ilaa iyo afar xaafadood” ayuu yiri Guddoomiyaha Degamda.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xusay in ay sameeyaan tirikoob ku aadan qoysaska uu saameynta ku yeeshay fatahaadda Webiga Shabeelle, waxaana uu ku baaqay in gurmad dhinac weliba leh lala soo gaaro qoysaska danta yar ee ka barakacay Afgooye.

“Tirikoobka waa uu socdaa, hadda dadku waxa ay marayaan ilaa iyo kun iyo sideed boqol oo qoys, kuwaasi oo intooda badan u baahan hooy iyo cunto, waxaana codsaneynaa in gurmad lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle” ayuu yiri Ibraahim Cumar Qaasim.

Dhawaan ayay markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay guddi gaar ah u saareen fatahaadda Webiga Shabeelle ee Degmada Afgooye, si ay kulamo ula yeeshaan hay’adaha ku shaqada leh in gurmad la gaarsiiyo qoysaska ka barakacay Afgooye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.