Axmed Madoobe oo qaarajiyey Ganacsade ka hor yimid in Puntland taageerto Jubbaland

Allaha u naxariistee Ganacsade Caan ka ahaa Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xalay dil qorshaysan ugu gaystay Hogaamiyaha fashilmay Axmed Madoobe.

Ganacsadahaan lagu dilay Kismaayo ayaa waxaa lagu magacaabaa Xaaji Siciid Ciise Cabdi “Siciid Adoon” waxuuna ka mid ahaa wax garadkii kasoo jeeday Puntland ee kulanka laqaatay Madaxwaynaha Puntland saciid Cabdulaahi Deni.

Allaha Unaxariistee Xaaji Siciid iyo Waxgaradka kale ee beesha hartiyeed ee deegaankooda yahay Jubbaland ayaa waxay Madaxwaynaha Puntland uga warameen dulmiga dhibaatada axmed madoobe ku hayo bulshada Jubbaland gaar ahan mida lagu hayo Beesha Majeerteen taas oo dad badan looga dilay Kismaayo qaarna la masaafuriyey, Taageerada Puntland u muujinayso Axmed madoobe ay tahay mid qaldan waxna soo kordhinayn.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxuu la wadaagay Caqabshada Beesha Hartiyeed Hogaamiyaha is doortay Axmed Madoobe waana tan sababtay in ladilo Xaaji Siciid Ciise Cabdi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.