Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacowday Guddiga farsamada dhismaha Galmudug

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la Magacaabayo.

Guddigaan ayaa waxaa magacaabay Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda, Waxaa ay  ka koobanyihiin  13 Xubnood.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Guddiga iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, Ku-xigeenka iyo Xubnaha kale ee la shaqeynaya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in guddigaan la magacaabey laga sugayo Go’aanadii kasoo baxay Shirkii dib u heshiisiinta ee Beelaha daga Galmudug.

Magacyadda Gudiiga hoos ka aqriso

  1. Maxamed Cumar Warsame Afrax
  2. Cabdiqaadir Nuur Caraale
  3. Axmed Maxamed Caafi
  4. Cabdirisaaq Kaahiye Yuusuf
  5. Cumar Maxamuud Cabdi
  6. Xuseen Cabdulle Xasan
  7. Maxamed Daahir Faarax
  8. Cabdinaasir Geelle Cilmi
  9. Xaliimo Cabdi Cali
  10. Mahad Maxamuud Cali
  11. Cabdirisaaq Aadan Warsame
  12. Abshir Cabdiraxmaan Maxamed
  13. Cabdirashiid Cali Salad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.