Boostada Soomaliya oo dhawaan dib loo hawlgalinayo

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, Eng: Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay heer gaba-gabo ah marayaan dedaallada dib loogu billaabayo dirista Boostada Dalka.

Wasiir Canshuur, oo ka hadlayay munaasabada lagu xusayay Maalinta Boosatada Caalamka iyo 60 guuradii kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya xubin ka noqotay Ururka Boostada Adduunka ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay dedaallo dheer usoo mareen sidii ay Boostada Soomaaliya ula jaanqaadi lahayd Caalamka intiisa kale.

Eng Canshuur; ayaa intaasi ku daray in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo celin lahaa adeegyadii iyo sharaftii ay lahayd Boostada Dalka, isla markaana u noqon lahayd goob loogu soo hagaago adeegyada Boostada casriga ah iyo kuwa Dowladda ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa qiray inkastoo ay sii kordheyso adeegsiga Teknolojiyada Adduunka oo dhan, haddana in weli aan laga maarmin kaalinta Boostada, maadaama ay yihiin adeegyo dhamaystiraya hawlaha ay Boostadu u hayso Dadweynaha.

Maalinta Boostada Adduunka waxaa looga dhawaaqay shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay Magaalada Tokyo ee Dalka Japan Sanadkii 1969-kii,  iyadoo ujeedkuna uu yahay sidii loo kordhin lahaa wacyi-gelinta Dadweynaha ee kaalinta ay Boostadu ku leeyaday horumarka dhaqan-dhaqaale ee Dal kasta.

Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Midowga Boostada Adduunka 1-dii Abriil 1959-kii, waxaana xilligaasi adeegga Boosto ee Dalka ka shaqeyn jiray in ku dhow 3 kun oo Qof, iyadoo ay meesha ka baxday wixii ka dambeeyay Dowladdii Millitariga ee bur-burtay 1991-

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.